Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Oo dhagax dhigey Dhismaha Madaxtooyada Ceerigaabo
January 5, 2020 - Written by admin
Dhismaha Guriga Madaxtooyada ee Magaalada Ceerigaabo.
Ceerigaabo(Mandheeranews)Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Madaxtooyada Somaliland oo dhagaxdhigay Aqalka Madaxtooyada Ee Ceerigaabo waxaanu yidhi

“Waxa an maanta dhagaxdhignay Dhismaha Guriga Madaxtooyada ee Magaalada Cerigaabo. Dhismaha guriga oo ay ku baxayso lacag ku dhow nus Malyuun Doolar ayaa ka kooban laba dabaq oo ku fadhiya dhul baaxaddiisu leegtahay 40,000M2. Dhulkaasi waxa ku deeqey muwaadinka la yidhaahdo Ibraahim Axmed Kuutiye.
Xafladda dhagaxdhigga waxa ka soo qaybgalay Afhayeenka Madaxweynaha, Maxamuud Warsame Jaamac, Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Caalin, Tiimbaro, Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Ninka dhulka bixiyey, taliyayaasha Ciidamada kala duwan iyo hoggaamiyayaal bulsho.
Tani waa mid ka mid mashaariicda ay xukuumaddu sannadkan u qorsheysey Gobolka Sanaag.
Sidan waxaa qoray Agaasimaha madaxtooyada Somaliland Maxamed cali bile