Agaasmihii Waaxda Dhaqanka iyo Fanka Cabdi yare oo Xaalad Caafimad Oo u baahan Gurmad Dabadeed u yaala Magaalada Hargeysa
April 18, 2019 - Written by mandheera news
CABDI YARE ILLAAHAY XANUUNKA CAAFIMAAD HA UGU BADALO.
Hadaba Cabdi yare waa kuma aan qoraal aad u kooban idinla wadaago oo Ku saabsan taariikhdiisa
Hadii dhanka laxanada aan wax Ka taabto Cabdi waa ninka laxanka iyo muusiga u sameeyey heesta ugu caansan heesaha Somaliland ee uu qaado Fannaanka wayn ee Maxamed Maxamuud Cige (Busi) ee tidhaa
Somaliland dalkayga
Somaliland dadkayga
Oo uu hal abuuray muwaadin reer Somaliland ah oo la yidhaa Yuusuf Shukri
Cabdi waxa uu Ka mid ahaa fannaantii badnaa ee af iyo adinba Ku soo dagaalamay ee gacantana qoriga Ku sitay afka Kaga heesayey heesihii dhiirigalinta iyo baraarujinta ee SNM
Intii Somaliland jirtay waa ninka ugu mudada dheer ee Agaasime Ka agaa waaxda dhaqanka ee fanku hoos tago , waana Aabo laba xaas leh oo 18 Caruura dhalay
Hadaba wakhtigan taagan Cabdi Maxamed Jaamac waxa uu Ku xanuunsanayaa magaalada hargaysa waxaanu u baahan yahay in dhakhtar dibadeed loo qaado
Waxaana mudan in xukuumada Somaliland illaashato shaqsiyaadka Sidaas oo kale u mihiimka ah ee loo baahan yahay in laga war hayo xaaladooda nololeed iyo caafimaadba