Dadweynaha Xaafada Cabaaye oo ka Gadooday Waddo Kab-kab ah oo Dawlada hoose ee Hargeysa ka Dhisayso.
February 14, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Mandheeranews)-Dadweynaha ku dhaqan Xaafada Cabaaye ee Magaalada Hargeysa, ayaa ka gadooday Waddo gacanku Rimis ay ku sheegeen oo ay dawlada hoose ee Hargeysa hada ka wado dhismaheeda Xaafadaas.
Dadweynaha ayaa ka cabanaya in aanay kuwaalati lahayn wadada hada ay dawlada hoose ee Hargeysa u dhisayso Xaafadaas, iyagoo ku dooday in aanay Waddadani u qalmin dhaqaale aad u badan oo dadweynaha xaafada Cabaaye u ururiyeen in loo dhigo, dhaqalahaas oo lagu wareejiyey dawlada hoose ee Hargeysa.
Dadweynaha cabanaayey oo waqti kooban dhagxaan ku xidhay laamiga cabaaye, ayaa Shabakada Xogreebnews u sheegay in dhaqaalaha lagu Dhisaayo wadadan ay %40, ay dadweynuhuu bixiyeen, halka 60%-na ay dawlada hoose ee Hargeysa bixinayso.