MANDHEERANEWS.COM
Dawlada Imaaraadka oo Shaqadii ka Caydhisay Masuuliyiintii uga Wakiilka ahayd Mashaaricda ka socota Somaliland Iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo isna Guddiyo Magacaabay.
July 29, 2020 - Written by admin

Dubai(Mandheeranews)-Maamulka sare ee Bisha Cas ee Imaaraadka carabta, ayaa gabi-ahaanba Shaqadii ka caydhiyey Madaxdii Mashaariicda ee Somaliland u qaabilsanaa.

Masuuliyiinta Bisha cas ee Imaaraadku shaqada ka caydhisay, ayaa ku timi Kadib markii uu Twitter ku baahiyey Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka isu-taga Imaaraadka Carabta Amb Hassan Yassin Hirad, Musuq-maasuqa baahsan ee lagu sameeyey Mashaaricda Wadooyinka, Soolarka iyo Mashruuca Dhismaha Saldhiga Mileteri ee Berbera.
Qoraalada Diblumaasiyadeed ee amb. Hassan Yassin Hirad ku baahiyey Twitter, ayaa sidoo kale hore u galaaftay Masuuliyiinta Mashaaricda Wadooyinka, waxana dhowaan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu Mashaaricda uu u Magacaabay 6 masuul oo Madaxbanaan, maadaama oo ay Wasaarada Gaadiidku ku fashilantay inay si nadiifa u maamusho mashruuca wadada Berbera Corridor.
Waxa kaloo xusid mudan, in dhowaan Madaxweyne Muuse Biixi Shaqadii ka caydhiyey Madaxii Mashaaricda Imaaraadka Carabta ee Somaliland uga wakiilka ahayd, oo ahayd Haweenay. Iyadoo shaqo ka caydhintaasna aynu baahinay todobaadkii hore, waxa talaabadaas xigtay in Imaaraadka carabtu shaqada ka caydhiyaan Masuuliyiinta kuwaas ay isku xidhnaayeen.
Shabakada Xogreebnews waxay Halkan idinki soo gudbinaysaa Waraaqaha shaqada lagaga caydhiyey Masuuliyiinta Bisha cas ee Imaaraadka iyo qaraabadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku Magacaabay cida Maamulaysa Mashaaricda Imaaraadka Carabta ee Somaliland ka socda, gaar ahaan Wadada Berbera Corridor.
Sidoo kale, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Magacaabay Guddida Tamarta (solar system Berbera).
Si kastaba ha haatee, qoraalada Diblumaasiyadeed ee uu bartiisa Twitter ku qoro, Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka isu-taga Imaaraadka Carabta Amb Hassan Yassin Hirad, ayaa tooshka ku qabtay Musuq-maasuq Mashaaricdaas hadheeyey, waxana qoralaadaas si weyn u dhibsaday kooxdii lala xidhiidhiyey, hase-yeeshee waxa si toosa ugu baraarugay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo dawlada Imaaraadka Carabta oo labaduba isbedel ku sameeyey Masuuliyiintii uga wakiilka ahayd.
La soco qaybaha dambe.

Xigasho Xogreeb

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews