MANDHEERANEWS.COM
Donald Trump ayaa ka hadlay weerarka ay Iran ku qaaday saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay gudaha dalka
January 8, 2020 - Written by admin

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ka hadlay weerarka ay Iran ku qaaday saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay gudaha dalka.

Trump ayaa bartiisa Twiter-ka kusoo qoray in ay qiimeynayaan sida ay wax u dhaceen.

“Waxwalba waa ay dhan yihiin, gantaalo laga soo tuuray Iran ayaa lagu weeraray laba saldhig oo aan ku leenahay Ciraaq, qiimeynta khasaaraha ka dhashay ayaan wadnaa, waxwalbana waa hagaag, waxaana leenahay ciidanka ugu awoodda badan caalamka ee heysta hub carsi ah, dib ayaana kasoo sheegi doonaa sida ay wax u dhaceen”, ayuu yiri Trump.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in laba saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, kuna yaala gudaha dalka Ciraaq lagu weeraray gantaalo.

Xukuumadda Washington waxay intaa raacisay in saldhigyada la bartilmaameedsaday ay yihiin Irbil iyo Al Asad, ilaa iyo haddana ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo inta uu la eg yahay.

Warbaahinta dalalka Carabta ayaa kusoo warramay in inkabadan toban gantaal lagu garaacay saldhigayada Mareykanka.

Warbixin u soo saaray afhayeenka aqalka cad ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu latashiyo la sameynayo lataliyeyaashiisa dhanka ammaanka.

“Waan ka war qabnaa weerarka lagu qaaday saldhigyadeena Ciraaq, madaxweynaha waa lagu wargeliyay arrintan, si dhaw ayuuna ula socdaa oo wuxuu darsayaa xaaladda isagoo latashanaya lataliyeyaashiisa dhanka ammaanka”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka.

Telefishenka Dowladda Iran ayaa sheegay “in Iran ay 80 askari oo Mareykan ah ku dishay” duqeymihii ay la bartilmaameedsatay saldhigyada Mareykanka ee dalka Ciraaq.

Waxay Iran intaa ku dartay in wax kahortag ah aanan lagu sameynin dhamaan gantaaladii ay ku duqeysay saldhigyada Mareykanka.

Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidanka Mareykanka iyo qalab milateri ay ku burburiyeen weerarka.

Telefishenka oo soo xiganaya sarkaal sare oo katirsan ciidamada ilaalada kacaanka ee Iran ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu yahay boqol saldhig oo uu Mareykanka ku leeyahay gobolka, haddii ay xukuumadda Washington qaado tallaaba aargoosi ah.

Image copyrightREUTERS

Image captionIran oo duqeysay saldhigyo Mareykanka uu leeyahay

Dowladda Iran ayaa dhankeeda sheegtay in weerarka lagu qaaday saldhigyada Mareykanka uu ahaa mid loogu aargudayay dilka Qasem Suleimani oo shalay la aasay.

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Javad sharif oo sheegay in Iran ay aargoosatay.

“Iran waxay weerarkan qaaday iyadoo eegeysa axdi qarameedka 51, waxayna duqeysay saldhigyadii sida fuleynimada ahaa looga soo weerary muwaadiniinteena, mana raadineyno dagaal ee waxaan difaaceynaa nafsadeena”, ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Iran ayaa sidoo kale u digtay wadamada xulafada la ah Mareykanka ee dalalkooda u oggolaaday in uu saldhigyo ku yeesho.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baqdaad ku dilay Qasem Suleimani oo madax ka ahaa cutub kamid ah ciidamada ugu awoodda badan Iran, waxaana ay Iran xilligaas ku hanjabtay in ay aargoosan doonta.

Mareykanka ayaa waxaa bariga dhexe ka jooga ciidamo aad u tira badan, kuwaas oo kala joogaa dalalka Ciraaq, Sacuudiga, Urdun, Kuwait, Qatar, Imaraatka iyo Turkiga, waxaana dalka Ciraaq oo keliya ka jooga ciidan gaaraya shan kun oo askari.

Madaxweeyne Donald Trump ayaa horay u sheegay in hadii ciidamada Mareykanka lasoo weeraro ay iyaguna weerari doonaan Iran, waxaase aan la ogeyn tallaabada xigta ee uu Mareykanka qaadi doona.
Xigasho bbc

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews