MANDHEERANEWS.COM
Ergo Ka Kala Socota Madaxweyne Ku-Xigeenka Iyo Wasiirka Ganacsiga Oo Ay Wada-Hadallo Uga Bilaabmeen Hargeysa.
September 22, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Mandheeranews)-Ergo ka kooban 20 xubnood oo kala socda Madaxweyne ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Ganacsiga JSL Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ayay Shalay kulamo uga bilaabmeen Magaalada Hargeysa.
Sida ay Warar Xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika Ergadan oo ka kooban 20 xubnood oo kala kala ah Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga, ayaa shalay kulankoodii koowaad ku yeeshay Magaalada Hargeysa, waxaanay ka wada-hadlayaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa aragtiyaha kala fog ee Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ee salka ku haya Tartanka kursiga 4-aad ee Hoggaanka xisbiga Kulmiye, waxaanu kulankooda Shalay ahaa Qado iyo fadhi.
Ma jiro, weli war rasmi ah oo ay soo saareen Ergadani oo dhammaantood ka soo jeeda Gobolka Awdal, isla-markaana ay soo xuleen Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga oo mid walba soo Magacaabay 10 Xubnood oo isugu jiro 4 Aqoonyahan iyo 6 Madax-dhaqameed, waxaana suurto-gal inay Isfahan ka gaadhaan Tartanka kala irdheeyey Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga Somaliland.
Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in haddii Ergadani ku guul-daraystaan inay isfaham dhex dhigaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ay arrintan la wareegi doonaan Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo Go’aan kama dambays ah ka soo saari doona.

Xigasho Xogreeb

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews