Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Koomishanka Doorashooyinka Ku Hambalyey Bilaabista Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha.
August 30, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Mandheeranews)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ‘Cirro’, ayaa Koomishanka Doorashooyinka ku Hambalyey bilaabista Diiwaangelinta Codbixiyaasha oo arbacada 2 Bisha ka bilaabmi doonta Gobolladda Daadmadheed iyo Hawd.
Sidaasna waxa uu Guddooomiyuhuu ku sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa uu ku leeyahay Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha Ee Facebook kasoo u dhigan sidan. “Waxa aan ku bogaadinayaa Koomishanka Doorashooyinka Qaranka [KDQ] in ay ka bilaabayaan Arbacada 2da September 2020ka, Gobolka Daad-madheedh Magaalo Madaxdiisa Oodweyne iyo Gobolka Hawd Magaalo Madaxdiisa Balligubadle Diiwaangelinta casriga ah ee codbixiyeyaasha oo tijaabo ah”.