Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Masuuliyiin u Cusub u magacaabay Gobolka Saaxil
October 3, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Mandheeranews)Gudoomiyaha Xisbiga Ucid eng Faysal cali Waraabe ayaa magaacabay gudoomiyaha Cusub Ee Xisbiga UCID Ee Gobolka Saaxil dr Cabdi Cilmi guleed Abdirahman Guled iyo Masuuliyiin kale
Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga UCID ayaa hore u soo qabtay Xilka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee gobolka Saaxil Wakhtigii Doorashooyinka Degaanka
Nov 2012
Waxaana lagu Xasuustaa Gudoomiyaha Cusub ee Xibsiga UCID guushii xiligasi uu ka soo hooyey natiijadii Doorashooyinka Degaanka Ee Dalka ka dhacday 28 Nov 2012 oo uu Xisbiga Kulmiye qaatay Aqlabiyada Xildhibaanada degeenka Berbera walow Xisbiga Ucid uu kaga Guulaystay Kursiga Mayirnimada Berbera.