Gudoomiyihii degmada Shangaani Sahra Sheekh Maxamed oo Goordhaw u geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray Qaraxii Dawlad hoose ee Xamar.
July 24, 2019 - Written by mandheera news
Gudoomiyihii degmada Shangaani Sahra Sheekh Maxamed oo Goordhaw u geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray Qaraxii la dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ay falkii Shabaab galabta ay ku dhinteen lix ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen.