Labo Qof Oo ku Geeryooday Dawo Dhaqameed ay Cuneen Degaanka Baligubad leh
October 25, 2019 - Written by admin
2qof oo ku Geeryooday Dawo Dhaqameed ay Cuneen halka 3 kalena Lugula Tacaalayo Cisbitaalka baligubadleh.

Laba qof ayaa geeriyooday, saddex kalena Cisbitaalka Balli-gubadle ayaa la dhigay kadib markii ay Cuneen Daawo Dhaqameed nin Wadaad ahi siiyay.
Isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Hawd ayaa HCTV u sheegay in ninkan Wadaadka ahi dadkan ka saaraayay Jin ama Sixir sidaa darteedna uu siiyay Daawooyin Dhaqameed dhir ka samaysan kuwaas oo sababay geerida.
Sheekha dadka daawaynayay ayaa la soo qabtay oo hadda ku xidhan Hargeysa.
Labada qof ee dhintay ayaa ahaa laba wiil halka saddexda qof ee lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad yihiin Hablo ( Gadhbo).