Madaxwaynaha JSL oo Xilkii ka Qaaday Maareeye ku xigeenkii Dekeda Berbera, Magacaabayna Maareeye ku xigeen Cusub…
October 17, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Mandheeranews )- WAREEGTO MADAXWEYNE: 17 /10/202. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-564/102020 iyo JSL/XM/XKQ/222/1-562/102020 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Cumar Abokor Jaamac;
Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland
Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka.