MANDHEERANEWS.COM
Muusow Ganasiga Faraha ka qaad iyo Shirkadaha Diyaaradaha oo Hawshaada kale wado”Boqor buurmadow
September 26, 2020 - Written by admin

“Muusoow Ganacsiga faraha ka qaad oo Shirkaddaha diyaaraddaha iyo 11 Shirkaddood ee shidaalka Keena Faraha Ka Qaad Oo dantaada kale iyo hawshaada kale ayaa ka badane ganacsatadu ammaan ha ka heleen ganacsatadda dalku, haddii kale waxa dhici doonta…..”
Boqor Buur Madow

Boqor Cismaan Buurmadoow, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi inuu joojiyo wax uu ugu yeedhay dagaalka gamacsiga ee uu ku hayo ganacsatada, waxaanu yidhi “Halka dhibaatadu ay ka taagan tahayna aan toos usheege waxa weeye Ganacsatadii ayaa Cabanaysa maaha Beesha Habarjeclo kuwa ka soo jeeda oo kaliya ee ganacsatadii dalka oo dhan ayaa Cabanaysa oo ganacsatadii Isgaadhsiinta ayaa cabanaysa, kuwii Xawaaladaha ayaa Cabanaaya, kuwii shidaalka ayaa cabanaaya, laakiin waxa u badan ganacsatadda Somaliland ee cabanaysa waxa u badan kuwa Beeshayda ka soo jeeda kuwa Diyaaradda dalka keenay ee laga joojiyey ayaa ka mid ah, Bal eeg wasiir Maxamed Kaahin intaas oo Jeer ayuu Madaxweynaha Ergo u la tegay in uu Diyaaraddaha Air-Arabia iyo Fly Dubai ogolaasho uga soo qaado, Maraakiibtii Shidaalka ee Badda taagnayd ayaa loogu tegay in Berbera loo ogolaado intaba waa laga diiday, dee adeer marka Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi sababta ay u awoodi waayeen inay
xaliyaan Tabashada Beesha ay ka soo jeedaan iyo Xukuumadda ay ka tirsan sababtu waa Madaxweynaha dhaawac kaga yimid iyo Madaxweynuhu garbihiisii uu waxyeelay weeye arintu..”

Boqorka oo u warramayey Sahan Tv, waxa uu intaasi raaciyey “Madaxweyne Muuse Biixi tallada aan siinayaa waxay tahay waliba si walaaltino iyo waliba saaxiibtimadaydii hore leh’ runtii digniinina ku jirto waxa weeye Madaxweyne Muusoow waynu isnaqaana waar reerka ISAAQ la yidhaahda waa Kabadhe oo Kabadhena macnaheeduna waa Ganacsi, marka aniga oo aan u hadlaynin Beeshayda, waxaan leeyahay waar ganacsiga faraha ka qaad oo dantaada kale iyo hawshaada kale ayaa ka badane ganacsatadu amaan haka hesho oo Diyaaradahan la leeyahay ganacsato ayaad u kala qaadaysa waar Inamada yar yar ee Diyaaraddaha faraha ka qaad oo ganacsatadaas Shidaal ha ahaato ama Diyaarado ha ahaato ee 11 Shirkaddood ayaa dalka shidaalka keena ee waar Muusoow ammaan ha ka heleen ganacsatadda dalku, haddii kale waxa dhici doonta waar Idoor waa Kabadhe oo dagaalkii aynu galay wuxu ku yimid markii la yidhi Berbera waa la xidhay ee Kismaayo Xoolaha ha laga dhoofiyo waar Maxamed Siyaad Barre kulamaynaan dagaalamin l Gabdho la Kufsaday’ Rag la xidhay iyo Culimo la laayey iyo Isaaq Diintoona kama dagaalamin ee wuxu ka dagaalamay Ganacsi la farogeliyey.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews