MANDHEERANEWS.COM
Qoomiyada Canfarta ee Dalka Itoobiya oo Dagaalo Xoogan kuso qaaday degaanka Ismaamulka Somaalida Itoobiya iyo degaano dhawr ah oo ay la-waregeen.
January 11, 2021 - Written by admin

Qoomiyada canfarta oo ka mida qoomiyadaha Dalka Itoobiya kuwa ugu tirada yar aya waayahan danbe Dagaalo xoogan oo is-daba jooga ah ku haysa Somaalida degan gobolka is-maamulka Somaalida degan kilalka Shanaad ee Itoobiya oo ay xuduud wadaag-yiin.

Dagaaladi u danbeeyay oo manta ay canfarta Itoobiya kuso qaaday degaan Somaalida Itoobiya aya lagu so-waramaya inay Ahayeen kuwi ugu cusla ee dhex-mara labadan qoomiyadood ee canfarta iyo somaalida.

Gobolka Siti ee Ismaamulka Somaalida Itoobiya ayay Ciidamada Liyuu-booliska Canftarta iyo Ciidamo maleeshiyo canfar ahi weeraro culus kuso qadeen’iyago la-wareegay degaano dhawr ah oo ka mida degaanka Somaalida ee gobolka Sita.

Wararku waxay inta ku darayaan in dagaalkan u dhaxeeya canfarta iyo Somaalida Itoobiya inay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan oo Aan tiradooda si rasmiya imika lo-sugi karin madaama oo dagaaladu socdeen ila gelinki danbe manta oo Isniin Ahayd.

Wararku waxay inta ku darayaan in ciidamada Liyuu-booliska ee Ismaamulka kilalka Shanaad ee Itoobiya ay ka gaabsadeen inay dagaalka Qoomiyada canfartu kuso qaaday shacabka Somaalida ee Gobolka Siti ay ka qab-galaan Isla-markaan ila hada u dagaalku u dhaxeeyo dadka degaanka Somaalida Gobolka Siti oo kali Ah iyo Ciidamada Liyuu-booliska Canfrata iyo Maleeshiyo beleedka canfarta oo is garab sanaaya.
Si dhab ah Loma xaqiijin karo ila hada sababta ay Ciidamada Liyuu-booliska Ismaamulka Somaalida Itoobiya uga difaaci-waayay Ciidamada Liyuu-booliska Canfarta iyo maleshiyaadka is-garabsanaaya ee dagaalka kuso qaaday Somaalida killalka shanaad ee Itoobiya Gaar-Ahaan gobolka Siti.

Dagaalo dhawaan dhex-maray canfarta iyo Somaalida ayaa Ciidanka Canfartu waxay dileen Ciidamo kuwa Liyuu-booliska Somaalida ah iyago kuwa kalana dhaawac ku kaxaystay Isla-markaana Ciidanka Canfartu muqaalo kaso duubay ay ku jil dilayaan Ciidamada ay dhaawaca ku kaxaysteen ee Ahaa ciidamada Liyuu-booloska Somaalida Itoobiya.

Ciidamada Fadaraalka dawlada Itoobiya ay uso dirtay Xuduuda u dhaxaysa Somaalida iyo Canfarta si ay u kala ilaaliyaan labada dhinac ee Dirirtu u dhaxayso ayan waxba ka qaban Colaada u dhaxaysa Canfarta iyo Somaalida Itoobiya oo dagaalada u dhaxeeya so noq-noqdeen.

Somaalida iyo Canfarta Itoobiya aya Maamuladoodu tageero u muujiyeen Dawlada Fadaraalka Itoobiya ee uuhogaamiyo Abiy Ahmed oo dagaal kula jirta Xoogaga Tigirayga ee waqooyiga Itoobiya.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews