Shil naxdinleh”Saddex Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Saaka Ka Dhacay Duleedka Bari Ee Magaalada Hargeysa
April 15, 2019 - Written by mandheera news
Saddex Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Saaka Ka Dhacay Duleedka Bari Ee Magaalada Hargeysa
Dacarbudhuq(mandheeranews)-Saddex Qof ayaa ku geeriyooday Shil baabuur oo Saaka ka dhacay degmada Dacar-budhuq ee Gobolka Maroodi-jeex.


Saddexda Qof oo kala ah laba Rag ah iyo Qof Dumar ah, ayaa Geeriyooday markii uu la dhacay gaadhi yar oo ay la socdeen oo ah nooca loo yaqaano Tukhaanka.
Meydka saddexda Qof oo aan weli la aqoonsan ayaa la dhigay cisbitaalka Dacar-budhuq.