MANDHEERANEWS.COM
Shirkada DPWorld Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Halka Ay U Marayso Hawsha Ballaadhinta Dekedda Berbera
August 11, 2020 - Written by admin

Dubai(Mandheeranews)- Shirkadda DP-world ee gacanta ku haysa ballaadhinta Marsada Magaalada Berbera ayaa sheegtay inay dhammaystirtay 400 oo mitir oo qeyb ka ah ballaadhinta dhismaha dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, sida ay ku shaacisay barteeda ay ku leedahay Twitterka.

DP-world waxay tilmaamtay in dhismahaan cusub uu qeyb ka qaadan doono korodhka awoodda marinka dekeda Berbera, islamarkaana la gaadhidoono in ay dekeddu xammili karto culays dhan 500,000 Konteenar sannadkiiba.

Shirkaddan caalamiga ah ee laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabtu Waxay kaloo sheegtay inay sii xoojin doonto magaalada Berbera si ay u noqoto xarun ganacsi oo weyn oo gobolka Geeska Afrika ka adeegato.

Shirkadda DP-world ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka dekedda Berbera taariikhdu markay ahayd 11-kii Bishii May sannadkii 2017.

Muddo 30 sano ayay heshiis kala gashay Somaliland inay maamusho dekeda Berbera, waxayna taas beddelkeeda bixindoonta boqolaal million oo dollar oo ay dekedda ku maalgalindoonto.

Tan iyo muddooyinkii ugu dambeeyey oo hawl culusi ka socotay Dekedda Berbera waa markii ugu horraysay ee shirkadda DP World ay si rasmi ah hadal uga soo saarto halka uu u marayo Mashruucani.

Farriinta DP World ee Twitter-ka: 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews