Waa kuma Gudoomiye Kuxigeenka 4aad Ee Xisbiga Kulmiye ee Maanta la doortay Mr Maxamud Sacad(Saajin)
October 5, 2020 - Written by admin
Waa kuma gudoomiye ku xigeenka afraad ee xisbiga Kulmiye ee maanta la doortay Maxamuud Xassan Sacad (Saajin)Akhriso Taariikhda Guddoomiye kuxigeenka 4aad ee xisbiga KULMIYE oo kooban:
Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” wuxuu ku dhashay Jigjiga sannadku markuu ahaa 1949 kii waxa uu dugsiga hoose ,Dhexe iyo sare ku qaatay Dugsiyadda Qulunjeed,Sheekh iyo Camuud ee imika loo yaqaan Jamaacadda Camuud.
Waxa uu Jamaacadda ka baxay Jamacadii Muqdisho ee la odhan jiray SIDAM 1974-1977. Wuxuu dalka uga baxay dibedda 1978 isagoo qaatay Master in Financial analysis London Business School. Wuxuu shaqo ka bilaabay Shirkadda Shidaalka ee ZADCO “Zakum Development Oil Company” ee dalka UAE qaybta xisaabaadka “Senior Accountant” Muddo dhan 38 sanno.
Xubin ka soo qayb qaatay hirgalinta nidaamka xisbiyadda ee Soomaaliland.
Markii xisbigu talada dalka ku guulaystay mar labaad sannadkii 2017 loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska oo ilaa haatan uu yahay..