War Degdega”Ciidamada Booliiska Gobolka Saaxil Oo Xabsiga u Taxaabay 4 dhalinyaro ah oo ka soojeeda Ehelada Siyaasi Raxaax Cali Hayste
December 29, 2019 - Written by admin
Berbera(Mandheeranews)Ciidamada Booliiska Gobolka Saaxil Ayaa Xabsiga magaalada Berbera u Taxaabay Afar dhalinyaro ah oo Kamida Ehelada Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga UCID Ramaax Cali Hayste oo todobaadkan lagu Xidhay Xarunta C.I.D Magaalada Hargeysa.
Magacyada Dhalinyaradan oo qaarkood ay walaalo yihiin Siyaasi Ramaax Cali Hayste Ayaa magacayadoodu kala yihiin
1.Deeq cali hayste
2.Cabdulaahi cali hayste
3.Cismaan cabdi hinaaase
4.Cabdi xasan haybe
Ilaa hadda Ma cadda Sababta keentay Xadhiga Dhalinyaradani ciidamada Booliisku ay kasoo Qabteen Magaalada Sheekh iyo Degaanada hoos yimaada, waxaana xadhigoodu dhalinyaradani ku soo beegmayaa markii dhawaan Degmadaasi Sheekh ay ka dhaceen Mudaharaad lagaga soo Horjeedo Xadhiga Siyaasi Ramaax Cali hayste, kuwaasi oo Mudaharadayaashu ay Xukuumada Madaxweyne Muuse ka Dalbanayeen In Xoriyadiisa loo soo Celiyo Siyaasi Mahamud Ramaax