War Degdega”Dooni Shixnado Ganacsi u Sidey Dekada Berbera oo ku Degtey Xeebaha Dalka Yemen
June 14, 2019 - Written by mandheera news
Berbera(Mandheeranews)Dooni u Rarnayd Ganacsato Reer Somaliland oo kusoo socotay Dekadda Berbera Ayaa ku Degtay Xeebaha Dalka Yemen ,kadib markii ay ku dhufteen Dabaylo Xoogan oo Mawjado ku hafiyey doontaasi oo markii hore ku gabaneysay Xeebta Makula Ee Dalka Yemen oo Magaalada Berbera u jirta 140mile ayaa aakhirkii Degtay.

Diyaarad Helicopter ah ayaa ka samotobixisay Dadkii saarnaa Doonidan, balse waxa ay la Degtay hanti badan oo Saarnayd,taas oo isugu jira Shixnado ganacsi oo Oo ubadan qalab dhisme, baabuur iyo bagaash Tiro badan oo laga soo raray dubai.