MANDHEERANEWS.COM
Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Qorsheynta Somaliland Oo Xilkii Kale Wareegay Wasiirkii Hore Wasaradaasi+Weedhihii laga Jeediyey Munaasibadaasi
April 24, 2019 - Written by mandheera news

Hargaysa(Mandheeranews)Waxaa maanta Hall ka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ka qabsoomay xafladda xil-wareejinta Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ay kula kala wareegayeen Wasiirkii hore Mudane Cawaali Ibraahim Shirwac iyo Wasiirka cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u soo magacaabay Wasaaraddaas Mudane Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin).

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa kasoo qayb galay Wasiiro, Agaasimayaal Guud, Madax kala duwan oo ka socota Hay’addaha Dawladda, Mayor Ku Xigeenka Caasimadda Hargeysa, Siyaasiyiin waawayn oo dalka magac ku leh, ganacsato iyo aqoonyahano kala duwan oo bulshada dhexdeeda ku leh magac. Waxa intaas dheeraa dhamaan Hay’addaha kala duwan ee wadanka ka hawl gala kuwo maxali ah iyo kuwo caalami ahba waa ay joogeen kulankaas.

Agaasimaha Waaxda Isku-dubaridka Cabdifataax Suldaan Aadan oo xafladda daadihinayay ayaa halkaas kusoo bandhigay dhamaan magacyadda Wasiiraddii kala danbeeyay ee soo maray xilka Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. Intaas ka dib, Waxa kalmaddii soo dhawaynta madasha ka jeediyay Agaasimaha Guud ee WQHQ Mudane Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan. Ag. Guud wuxuu u mahadnaqay Wasiirkii hore, waxaanu soo dhaweeyay wasiirka cusub. Sidoo kale Agaasimaha Guud waxa uu madasha ka jeediyay warbixinta WQHQ oo faahfaahsan.

Waxa madasha iska danbeeyay labada Wasiir ee xilka la kala wareegaya oo mid kastaaba kelmaddiisii u gaarka ahayd madasha ka jeediyay. Wasiirka xilka wareejinayay oo ugu horayn kusoo dhawaaday madasha ayaa ka warbixiyay waxqabadkiisii intii uu joogay wasaaradda, waxaanu wasiirka cusub u balan qaaday in uu si dhaw ula shaqayn doono. Intaas kadib waxaa kusoo dhawaaday madasha wasiirka cusub ee xilka uu Madaxweynuhu u magacaabay Mudane Dr. Cabdirixiim Shibbiin oo halkaas ka jeediyay erayo ku munaasiba xafladda. Wasiirku Cusub ayaa u mahadnaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana balan qaaday in intii awooddiisa ah aanu waxba ka hagran doonin qarankiisa.

Wasiirka cusub ayaa sidoo kale xooga ku saaray khudbadiisa sida uu ugu rajo wayn yahay in uu dedaal gelin doono sidii loo kobcin lahaa awoodda ay hay’addaha dawliga ah u leeyihiin sidii xogta qaranku ay u sugnaan lahayd. Wasiirka ayaa dhinaca kale wuxuu sheegay in wadashaqayn buuxda uu la yeelan doono cid kasta oo u diyaara in qarankan ay wax la qabato.

Intaas kadib, waxa kulanka hadallo sagootin iyo soo dhawayn iskugu jira ka jeediyay Wasiirka Ciyaaraha, Wasiirka Horumarinta Biyaha, Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Qaramada Midoobay, Xubin ku hadlaysay Afka Hay’addaha Qaramada Midoobay iyo Gudoomiyaha Dallada SONSAF.

Ugu danbayntii, waxaa Xafladda soo afmeeray Wasiir Ku Xigeenka WQHQ Mudane Eng. Xuseen Ibraahim Buuni. Wasiirka ayaa u mahadnaqay Wasiirka xilka ka dagaya sidoo kalana ka sheekeeyay wadashaqayntii fiicnayd ee ay lahaayeen, waxa sidoo kale soo dhaweeyay wasiirka cusub oo xusay in ay garab istaagi doonaan. Wasiir Xuseen ayaa ugu danbayntii ka codsaday labada masuul in ay xilka si rasmi ah ula kala wareegaan, halkaas oo labadda Wasiir ay kala saxeexdeen waraaqihii xilka lagula kala wareegayay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews