MANDHEERANEWS.COM
Wasiirka Difaaca Itoobiya oo sheegay inay muddo aad u yar lagu soo afjari doono hawlgalka ka dhanka ah maamulka TPLF ee Tigreega
November 11, 2020 - Written by admin

Wasiirka Wasaaradda Difaaca dalka Itoobiya Mr. Kenea Yadeta oo saxaafadda la hadlay Arbacadii maanta (11 November 2020), ayaa sheegay in muddo aad u kooban lagu soo afjari doono hawlgalka millatari ee lagula dagaalamayo ciidanka TPLF ee gudaha degaannada Gobolka Tigreega.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka Itoobiya ee Ena News agency, waxa Wasiirku Wasiirku tilmaamay in dagaalka ay millatariga Federaalka Itoobiya ka bilaabeen degaannada Tigreega maalmo ka hor uu yahay mid lagu ilaalinayo, laguna badbaadinayo sharciga iyo kala dambaynta dalka Itoobiya, isagoo xusay in millatariga Federaalku si ay si fiican ugu qabalaysan yihiin dagaalkaas, muddo aan badnayna guul halkaas ka soo hoyn doonaan.
“Istaraatiijiyadda dagaal ee ciidanka difaacu aad ayey u caddahay, waana inay u dagaalamaan sida ugu saraysa (360 degree) ee ugu khasaaraha yar, si ay u burburiyaan bartilmaameedyadooda, iyagoo qaadaya weeraro cir iyo dhulba ah, waxayna doonayaan inay dadweynaha degaanka ka xoreeyaan (dhibaatooyinka TPLF), hawlgalkana lagu soo afjaro waqtiga ugu yar,” ayuu yidhi Wasiirka Difaaca Itoobiya.
Geesta kale, Taliyaha ciidanka cirka Itoobiya Major general Yilma Merddassa oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in aanay jabhadda Tigreegu lahayn wax awood ah oo ay iskaga caabbin karaan duqaymaha ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka Itoobiya, waxaannu iftiimiyey in diyaaradaha dagaalku ay duqaynayaan goobo cayiman, iyadoo laga feejigan yahay khasaare soo gaadha dadka rayidka ah.
https://www.ena.et/en/?p=18439

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews