MANDHEERANEWS.COM
WiilKii 14 jirka ahaa Dilley Shimbrkii Da Cunka ahaa Faafaahin Ka Bixiyay Weerarka uu Kusoo Qaadey iyo Halkey Isla Marreen
September 16, 2019 - Written by admin

Gashaamo(Mandheeranews) Wiil 14 jir ah oo magaciisu yahay Iid Cawil, ayaa gabal dhicii Jimcihii deegaanka Maygaag Jiifa oo katirsan Degmada Gaashaamo ku dilay Shimbirkii, Dad Cunka ahaa ee Cunney Sadex Caruur ah iyo hooyooyinkood Kadib Markii uu midna qudha ka jarrey inta kalena dhaawacyo gaadhsiiyay.

Iid Cawil oo ah Kurrey Geeljirre ah Da,diisuna Tahey 14 Sanno isagoo dhacdadan uga Waramaya umadda Soomaaliyees wuxu yidhi.

“Waxaan daba socdey geelayaga, waxaan maqley guux iyo sanqadh weyn.

Dabadeed si dhakhsi ahbaan geed hoostii u galey, cabbaar kaddib ayaan geedkii kasoo baxey, haddana waxaan isha qac ku siiyay bahalkii oo si degdeg ahbaan ugu laabtey geedkii.

Qiyaastii shan goor markaan geedka ka hoos galey, ee aan haddana kasoo baxo markaan waayay ayaanu ugu danbayntii barxad bannaan iska helnay.

Wuxuu usoo duuley dhankayga isagoo labadiisa baal laabteyda kusoo beegay jeenyihiisa iyo afkiisana soo dhuubey oo iska soo horreysiiyay, xawaare degdeg ahna ku duulaya.

Labadeyda gacmood baan ka buuxsadey dhabbigii, dabadeed waan u taagey intaan isula gaabiyay, labadiisii baal mid ka mid ah ayaan kala helay oo nasiib wanaag mid ka mid ah way jabtey.

Dhulka markuu u dhacey baan la dul taggey budkii, isagoo dhaawac ah ayuu kolba isku dayaa inuu igu soo boodo oo uu i sigey kolba. Ugu danbeyntii waxaan budkii la dhacaba wuu dhintay.”

Wiilkii hadda waxuu ku suganyahey degmadda oo dadweynaha ayaa si aad ah usoo dhaweeyay Geesinimada uu muujiyay iyo Sida uu Shimbirkaa halista ah uga basbaadiyay Shacabka iyo Maatada illaaheyna ku garab galley, .

Hooyadii uu shimbirkani wiilkeeda cuney maaalintii hore oo hore u aragtay, ayaa shalay la tusay, waxaanay sheegtay in bahalku yahay kii ay hore u aragtay.

Dadka aqoonta u leh ayaa shimbirkan ku sheegay Baqayo oo ah Bah-galeydh..

Hiraan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews