MANDHEERANEWS.COM
Xildhibaan Ku Baaqay In Gurmad Loo Fidiyo Dadkii Waxyeeladu Ka Soo Gaadhay Roobabkii Dabaylaha Watay Ee ku da’ay Salaxlay iyo Laasgeel
August 16, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Mandheeranews) – Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa ku baaqay in mucaarad iyo muxaafidba xal laga gaadho xaalad kasta oo jirta si isfahan loo gaadho.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale  ku baaqay in loo gurmado oo wax la taro dadkii roobabka dabyalaha wataa ay waxyeelada u geysteen, waxaanu ugu horeyn yidhi “Inaynu si wada jir ah uga gudubno  marxalad kasta oo ina soo marta ayaa la inaga rabaa, Doorashooyinkeena wakhti kastaba ha ku dhacaane in lagu heshiiyo wakhti mucayin ah ayaa la inaga rabaa, ta kale Mucaarad iyo Muxaafidba inaynu is fahan ka gaadhno xaalad kasta oo jirta ayaa inala gudboon”

Mar uu ka hadlayey roobabkii khasaaraha geystay ayaa yidhi “Qadder ayaa dhacay, qadderka iyo ALLE wuxuu qoray cid baajin kartaa ma jirto, ee roobabkan dabyalaha wata ee waxyeelada geystay, guryahana dumiyey, waxaan leeyahay dadka waxyeelado soo gaadhay ee roobabku guryahoodii ka dumiyeen wax ha la taro, oo gurmad deg-deg ah ha lala gaadho, Ilaahayna waxaanu ka baryeynaa inuu inoo shubo roob khayrkiisa wata, oo aan dabaylo wadan, waxyeelana inoo geysan”.

Xildhibaan Naasir Cali Shire mar uu ka hadlayey qaranimada Somaliland ayaa yidhi “Qaranimadeenu maaha mid ku timid si yar oo fudud, ee waxaynu ku timid halgan iyo dadaal ee Bulshadeenu meel walba oo ay joogto waxaa looga fadhiyaa inay qaranimadooda iyo mab’dooga Somalilandnimada inay ilaashadan, iska ilaaliyaan wax kasta oo fidno iyo khatar ku keenaya nabadooda”.

Xigasho Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews