MANDHEERANEWS.COM
Xoghayaha Horumarinta Biyaha Ee Xisbiga Wadani oo Soo bandhigay Fadeexado Musuqmaasuq Iyo Shirkado loo Sameysatay Lunsiga Mashariicda Biyaha
August 30, 2020 - Written by admin

Hargeyasa (Mandheeranews)Xogahayaha Horumarinta Biyaha Ee xisbiga Wadani oo soo bandhigay fadeexado Musuq maasuq iyo shirkado gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo SEDCCCO (service delivery contracts and consulting company) waa shirkad si hoose ay u samaysteen shaqaalaha wasaarada biyaha taas lagu naas nuujiyey rag shaqaalaha ka mid ah si aan tartan lahayn oo suuq madow ah ayay ku lunsatay mashaariic kala duwan oo badankooda laga qaatay Hay’ada UNICEF.
Waa xaaraan, musuq iyo boob cad oo lacagaha habkan loogu lunsado.
Sidan si la mid ah ayaa loo lunsaday mashaariicda malaayiinka dollar ka badan ee lagu soo qaaday hirgelinta biyaha balse dhammaantood mashaariicdaasi noqday hal bacaad lagu lisay.
Ka soo bilow mashruucii midowga yurub bixiyey bilawgii 2010 markii xukuumada kulmiye talada la wareegtay, waxa ku xigey mashruuc imaaraatku bixiyey 15 milyan ahaa oo loogu talo galay biyaha hargeysa kaas caan ku ahaa fadeexadii xumboweyne isaguna wadadii haraadka ayuu maray.
SDF ayaa lacago badan ku bixisay, miisaaniyada dawlada ayaa sannad kasta lagu lunsadaa lacago loo qoondeeyo biyo balaadhinta hargeysa, dhammaantood waxba kama hirgelin himilooyinkaana dhammaan waa lagu hungoobey.
Laascaanood biyo la,aan baa ka jirtey welina ka jirta hadana shirkad private ah ayuu wasiirku biyogelinta laascaanood ku wareejisey waxba ilaa hada may soo saarin.
Cabasho iska soo daba noqonaysey ayaa taagan biyaha ceerigaabo oo qaali ah.
Halku dhalinyaradu wuxuu ahaa ceerigaabo biyo jaban bay rabtaa ilaa hada jawaab wasaarada masuuliyada leh lagama hayo.
Bashiir Cumar Geelle

Xoghayaha horumarinta biyaha.
Xisbiga Wadani.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews