Xukuumada Madaxweyne Muuse oo La Wareegtay Dhulkii Lagu Qabtay Munaasibadii Dhagaxdhiga Wadada Berbera Coridor Iyo Dadweynihii Lahaa Cabasho ka Muujiyey
December 26, 2019 - Written by admin
Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay dhulkii lagu qabtay munaasabaddii madaxweyne Biixi, ku dhagax dhigayay waddada Berbera ilaa Wajaale.
Dad danyar ah oo sheegay in ay dhulkan leeyihiin sharciyadna u haystaan ayaa sheegay in markii hore laga codsaday in goobta keliya lagu qabto munaasabadda balse markii danbe Xukuumaddu damaaciday.
Dadkan ayaa sheegay in maayir Soltelco, madaxweynaha ugu sheegay dhulkan mid dan guud ah.
Ciidamada Asluubta ayaa lagu wareejiyay dhulkan oo ku yaalla bariga magaalada Hargeysa.
