Hargeysa: Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Haween Taageero Ka Dalbanayey
May 1, 2019 - Written by mandheera news
Hargeysa(Mandheeranews)waxaa maanta magaalada hargeysa xabsiga loo taxaabey ku dhawaad 30 hooyooyin ah, kuwaasi oo dawladda Somaliland ka codsaday in laga caawiyo sidii ubadkooda oo uu haysto Magafaha Liibiya loogu soo dayn lahaa.
Hooyooyinka xabsiga loo taxaabey ayaa iskugu yimid mid ka mid ah waddooyinka suuqa Hargeysa, iyagoo sitay boodhadh ay ku qoran yihiin; “Waxaan ka codsanaynaa dawladda sharafta leh inay wax nagala qabtaan sidii aan uga soo saari lahayn dhalinyarada godka madow ee Liibiya ku jirta”
