Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga ka Jarey Dugsiga Farsamada Gacanta Berbera(BTI)+Shaqsiyaadka Hirgalintiisa u Hagarbaxay iyo Kaalmada Wali Hadhsan E laga rajegnayo Bixinteeda ganacsatada dalka
April 17, 2019 - Written by mandheera news
Madaxweynaha Somaliland intii uu ku Sugnaa Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka saaxil Waxa uu Xadhiga ka jarey dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Berbera Technical institute oo hirgalintiisa ay iska kaashadeen Bulshada Reer Berbera dhawaana si Rasmi ah Loo Furidoono,islamarkaasi ardayda wax kabarata ay qayb weyn ka noqon doona Koboca Dhaqan dhaqaale iyo mashariicda Horumarineed ee ka socda Degmada Berbera
Waxaana hindisaha iyo Hirgalinta Dugsigan Farsamada Gacanta Ee Magaalada Berbera u dhabar adaygay xilweyna iska saarey Qurbojoogta iyo qolqol joogta degaanka saaxil, waxaana Mudnaanta kowaad iska leh odayaasha, waxgaradka iyo xildhibaanada hoos ku xusan kuwaasi oo Habeen iyo maalinba u Heelan hirgalinta dugsigan
Waxaana kamida odayaasha sida weyn aan uga nasan hawshan
Xildhibaan.Siciid Cilmi.Rooble
Xil axmed wayso cadre
Ibraahim cabdilaahi xuseen dhagoweyne
Suldaan Maxamud Sul Axmed Sheekh
Xasan Xaaji Maxamud , xasan gadhweyne
C.raxmaan Cawil Xasan
Suleymaan Cumar ku joog
Safiirkii hore Ee jarmalka Somaliland u fadhiyey Mustafe Ismaciil iyo waxgarad iyo aqoonyahan tiro badan oo halkan aan lagu soo koobi karin
Sidoo kale waxa mashruhcan Dugsiga farsamada gacanta uguweyn kagaystay Mayirka Degmada Berbera Abdi Shakur oo isagu hirgalinta dugsigan seeska u dhigey ,dhismihii ugu horeeyeyna lacagtiisa bixiyey ,waxaana wali dhameystirkii dhismaha iyo qalabeynta dugsiga oo gacantooda laga filayo ganacsatada Somaliland iyo qurbejoogta Dalka.
Mashruucanla filayaa inuu kor u qaadi doono Dhinaca Tacliinta iyo shaqo abuurka dadka reer Berbera ,kaas oo dhawaan si rasmi ah u furmi doona