Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-furay Wejiga Labaad Ee Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF
September 29, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Mandheeranews)-Madaxweynaha Jahuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.
Munaasibadda uu madaxweynuhu ku daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay gadh-wadeen ka tahay wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka Somaliland, ayaa waxa kala qaybgalay Xubno kamid ah golaha wasiirrada, Oo Ay Kamid Yihiin Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed Wasiirka Wasaarada Qorshaynta horumarinta qaranka Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga siciid sulub Wasiirka wasaarada biyaha maxamed muuse diiriye Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor madax ka socotay dalalka Somaliland ka taageera Sanduuqan ee Denmark, Holland iyo Ingiriiska, agaasimeyaal iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana laga jeediyey hadallo diirrada lagu saaray muhiimadda ay mashaariicda wejigan labaad ku jiraa qaranka u leeyihiin iyo sida ay xukuumaddu daacadda uga tahay inay si hufan u hirgaliyaan