Shirkada Diyaaradaha Ee uganda airlines oo Duulimaad Cusub ka bilaabmaysa Somaliland
January 6, 2021 - Written by admin
Shirkadda Diyaaraddaha ee Uganda Airlines ayaa sheegtay in ay duulimaadyo cusub ka bilaabi doonto wadamo ay ku jirto Somaliland,iyada oo diyaarad cusub kusoo kordhin doonta diyaaradeheeda bishan aynu ku jirno.
Diyaaradda shirkaddu ay kusoo kordhinayso diyaaradeheedii hore u shaqayn jiray ayaa nooceedu noqon doona Airbus A330,waxaanay noqon doonta diyaaraddii labaad ee Airbus ah ee ay shirkadaasi yeelato.