Suldaan Cadde-gude Oo Ka Warbixiyey Halka Ay Marayso Isu Soodhaweyntii Ay ka dhex wadeen Jabhada Caare Iyo Xukuumada Somaliland
August 4, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Mandheeranews):-Gudoomiyaha guddida beelaha Garxajis Suldaan Axmed Cismaan Caddagude oo ka mid ahaa ergo madax dhaqameed ah oo la kulmay kornaylka hogaaminaya jabhada ku jirta buuraha gobolka Sanaag ee Caare ayaa ka hadlay halka ay wax u marayaan.
Suldaan Caddagude ayaa “imika meel fiican ayey wax noo marayaan, waxaanan rajaynayaa inaanu dhawaan faah faahin ka bixin doono aniga oo aan ka hordhacayn.”
Suldaan Caddegude ayaa ka mid ah madax dhaqameed ka ka soo jeeda beelaha Garxajis kuwaas oo dedaal ugu jira inay soo afjaraan xiisada u dhaxaysa jabhada uu hogaaminayo Kornayl Caare iyo xukuumada somaliland, waxaana la dhawrayaa natiijada ka soo bixi doonta iyo qaabka ay iskugu soo dhaweeyaan labada dhinac.