Ujeedada Kulan Aan la Shaacin Oo Magaalada Abu Dubai Ku dhexmarey Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Mamul Goboleedka Puntland
April 19, 2019 - Written by mandheera news
Madaxweynaha somaliland muuse biixi cabdi iyo Madaxweynaha Puntland Siciid cabdilaahi Denni Ayaa Xalay Ku Kulmay Magaalada Abu Dhabi Ee Caasimada Imraatka Carabta
Labada Madaxweyne Ee Biixi iyo Deni ay kawada hadleen xiisada colaadeed ee ka dhex taagan labada dhinac, iyagoo isku afgartayna inay ilaaliyan heshiiska xabad joojinta iyo in laga fogaado waxkasta oo markale colaad ka abuuri kara labada dhinaca.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanayd oo diyaarinaysay qorshahan ay xalay ku kulmeen Madaxweynaha Somaliland Biixi iyo dhigiisa Puntland Deni.