War Cusub”Xaalada Kasoo Cusboonaatey Markabkii Xoolaha La Taagnaa Dekadda Jedda Ee Dalka Sucuudiga Iyo Wakhtiga la Rogayo
July 15, 2019 - Written by mandheera news
Wararka kasoo baxaya Xaaladii ugu Dambaysay Ee Markabkii Mv Fahad Oo ah Markabkii Xoolaha Ka Qaaday Dekadda Magaalada Berbera Ee ku Xanibnaa Dekada Jedda Ee Dalka Sucuudiga Ayaan Wali la Rogin Xoolihii Saarnaa Markabkaasi.

Midkamida Shaqaalaha Xoolaha Saaran Markabkaasi Oo aan Khadka Telefoonka kula xidhiidhay Ayaa ii Xaqiijiyey inaan Xoolihii wali la Rogin, balse Waxa uu i sheegay inay Rajaynayaan In la Rog xoolahaasi Saacadaha soo Socda
Sidoo kale waxa uu iigu daray Markabka Hadda uu Saaran yahay Ganacsadihii Carabka ahaa Ee Xoolaha Ka wakiilka ahaa kaas oo uu magaciisa iigu xusay (Shalowle) waxaanu sheegay inuu Ganacsadaahi kormeerayo Xeryaha Markabka si uu u indho indheeyo Xaalada Xoolaha Saaran Markabkaasi oo Muddo dhawr iyo toban caano maal ah ku Xayirnaa Dekadda Jidda