MANDHEERANEWS.COM
Xaalado Welwel Iyo Walbahaar Leh oo Lasoo Dersay Jaamacada Hargaysa,Maamulkii Oo Weetaynaya Lacago Dheeraad Ah iyo Boodhkii Jaamacada Oo Hurdo Dheer Galay.
April 24, 2019 - Written by mandheera news

Maxaa ka Dhex Aloosan Gudaha Jaamacada Hargaysa?

Xaalado Welwel Iyo Walbahaar Leh oo Lasoo Dersay Jaamacada Hargaysa,Maamulkii Oo Weetaynaya Lacago Dheeraad Ah iyo Boodhkii Jaamacada Oo Hurdo Dheer Galay.

Hargaysa(Mandheeranews)Jaamacadda Hargaysa Oo Ah Jaamcada Wadanka Ugu Wayn, Ahna Jaamacad Ay Umaddu Iska Leedahay, Waxna Ka Bartaan Arday Kudhaw Toban Kun(10,000), Ayaa Waxa Hadheeyay Musuq Maasuq Iyo Habacsanaan Xaga Shaqada Ah.


Dakhliga Jaamacada Sanad Kasta Soo Gala Ayaa Kor Udhaafaya Halmilyan Oo Dollar. Jaamacada Ayaa Ardayda Ka Qaada Lacag Fiiga(Tuition Fee), Sidoo Kalena Dawladda Dhexe Iyo Haayado Caalamiya Ayaa Lacago Kaba Siiyaa kuwaasi oo aan la ogayn ilaa hada waxa lagu qabtay iyo meesha loola Caraabay.

Jaamacadda Hargeisa Waxay Ka Midtahay Goobaha Wali Aanay Saamayn Ku Yeelan Dawladda Madaxwayne Biixi, Waxaa Sifiican Looga Dheehan Karaa Musuq Maasuqa Xadhkaha Goostay Ee Xirfadaysan Iyo Habacsanaata Shaqo Maalmeedka.

Qaybaha Iyo Mashaariicda Jaamacadda Hargaysa Ee Musuq Maasuqu Biyodhigay Ayaa Waxa Ka Mida, Mashaariicda Dhismayaasha Oo Ku Kaca Boqolaal Kun Oo Dollar, waxay noqdeen Qaar Si Hoose Lookala Qaato, Iyada Oo Aan Lasoo Marin Gudida Qandaraasyada Qaranka, Tartanna Aanay Shirkadaha Dhismuhu Ugalin, Sidoo Kalena Wax Dabagala Aanay Ku Samaynin Laamaha Xisaabadka Qaranku.

Adeegyada Wax Soo Iibsiga Ayaa Sidoo Kale Maamulka Jaamacaddu Kolba Ciddii Ay Dantooda Ka Dhex Arkaan Si Hoose Usiiyaan, Mashaariicdan Oo Ku Kacda Tobanaan Kun Oo Dallar Markiiba.

Sidoo Kale Ilo Xogogaala Ayaa Cadeeyay In Deeqaha Waxbarasho Ee Jamacaddu Ka Hesho Wadamada Ethiopia Iyo Turkey Aan Muwaadiniinta Si Cadaalad Iyo Sinaana Aan Loogu Qaybin Taasina Waxay Keentay in Gudoomiyaha,Kuxigeenka Iyo Xubno ay Hawada ku kala Goostaan kuwaasi oo ka Fuudhyeela Qoysaskooda Iyo hadba Cida ay Xeegaan Wadaagta yihiin Halka Ay sidoo kale Suuqa Dib UgaIibiyaan Deeqaha Waxbarasho ee jaamacada Qaranku ka Hesho Dalalka Jaarka

Sidoo Kale Deeqo Waxbarasho Oo Jaamacada Hargaysi Siiso Ardayda Dhigata Ayaa La Sheegay In Siwayn Laysu Dabamariyo Waxaana Ardayda Wayday Deeqahaasi ay ku Sababeeyeen in loo kala Ab iyo Isir Tiriyay isla markaana lagu xidhay Hadba Kaadhka Qabiil ee Ay Sitaan Waxaana Ka mid ah Shuruudaha ugu Waaweyn in Kaalinta koowaad Ku jirtoDaanta Ay ka Soo toosaan iyo Hadii ay Maamul ku leeyihiin Jaamacada hargaysa halka aan Wax qadarin ah sidoo kale aanay Xubnahani siinin Boodhka Guud ee jaamacada hargaysa oo u badan Xubno ganacsato ah oo aan haba Yaraatee Wax Jaanis ah u Helin Shaqadan ay Dhakada Iska Saareen kuwaasi oo Kaga Mashquulay ganacsigooda ay gaarka u Maamulaan

Xilliyada Shaqada Ayaad Arkaysaa Iyadoo Dhamaan Xafiisyada Maamulka Iyo Shaqaaluhu Ay Badi Wada Xidhan Yihiin. Oo Ay Ardaydiinaa Gaafwareegayso Iyagoo Raadinaya Cid U Adeegta waxaana ay Tani sababtay in ardaydu bedel ka Qaadato Jaamacada oo u Huleelaan jaamacadaha Kale ee Gaarka loo leeyahay kuna yaala gudaha caasimada hargaysa

Jaamacadda Hargeisa Oo Inbadan Lagu Edeeyay In Musuq Maasuq Hadheeyay, Ayaan Waligeed, Xisaabiye Guud(External Audit) Lagalin Mid Gaarana(Internal Audit) Aan Yeelan waxaana Ay Noqotay Mid Musuqa Baahsan Iyo Is Daba marinta dhinaca Shaqadu Soo Laablaabtay Taasi oo keentay in Marba la Bedelo Maamulka Iyo hawlwadeenada Ragaadiyay Shaqada taasi oo misana halkeeda kasii istaadhanta oo dib usoo Laabata

Dhinaca Shaqaalaysiinta Ayaan Lafteedu Ka Madhnayn Musuqa Iyo Eexda Qabyaaladda, Iyadoo Si Toosa Loogu Edeeyay Maamulka Sare Ee Jaamacadda.oo Kala Ah Gudoomiye Maxamed Yuusuf Muuse oo La Degay Waqti Xaadirkan Shaqadii Jaamacadu Qaranka u haysay Xili Ay Ardaydu Tebayso Adeegyadii Jaamacada

Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Hargaysa Wuxuu Sidoo Kale Isku cuno Duubay Agaasimaha maamulka Iyo Lacagta ee Jaamacada Hargaysa Taasi oo Isagu Xilkaas Isku Tolay Maadaama Dheecaano badan iyo Dhacdhac Kasoo Galo Fiiga Ardayda kuwaasi oo uu Ka Dilaacsaday Dhismayaal Iyo Hantiyo Gaar uu u yeeshay Waxaana Lagu Magcaabaa Maxamed Cali Dhuux

Xigasho saylactoday

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews