Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Xadhiga Isgaadhsiinta Djibouti ee DARE1
January 22, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Mandheeranews)Wasiirka Isgaadhsiinta, Boosaha iyo tiknoolajiyada Somaliland, ayaa sheegay in aanay waxba ka khusayn dalkiisa xadhiga Internet-ka ee DARE1 ee ay Djibouti wadato, kaasoo uu caddeeyey in aanu marin karin Berbera.

Wasiirka oo magaalad Hargeysa kula hadlay Telefishan, ayaa tilmaamay in aanay ilaa hadda waxba iskaga ogayn Somaliland iyo Jibuuti, marka laga yimaado sheegashada lagaga dhawaaqay Djibouti.